Kooxo hubeysan oo xalay dilay dad isku qoys ahaa.
Muqdisho : Xalay Fiidnimadii kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa xaafad ka tirsan degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen laba nin oo la sheegay inay kamid ahaayeen dadka deegaanka.
Labada qof ee la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Cabdi Cismaan (Cabdi Yare) iyo Xuseen Cabaas Cismaan oo ahaa wiil iyo adeerkiis ayaa dilkooda waxaa uu ka dhacay xaafada Suuq Liif, iyadoo weerarka kadib ay goobta ka baxsadeen kooxdii dilka geysatay.
Ciidamo katirsan kuwa Booliska oo uu horkacayay Taliyaha Saldhigga Booliska ee degmada Dharkeynley ayaa tagay halka dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay baaritaano, inkastoo aysan ku guuleysan inay soo qabtaan kooxdii dilka geysatay.
Warar kale oo laga helayo Ehellada & Hay’adaha amniga ayaa waxaa ay sheegayaan inay jiraan xogo laga helay kooxdii dilka geysatay oo sahlaya in la helo raadka gacan ku dhiiglayaasha.
Meydadka labada marxuum ee isku qoyska ahaa ayaa la filayaa in maanta la aaso, waxaana jira war sheegaya in dilkoodu salka ku hayo arrimo la xiriira dhul oo ay inta badan shaqadooda aheyd marxuumiinta.
Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal siyaabo kala duwan ah, inta badan waxaa fuliya Al-Shabaab & Daacish, sidoo kale waxaa jira dilal siyaasadeed oo arrimo kale la xiriira oo ay dadku dhexdooda isu geystaan.