Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka.
Muqdisho : Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa in codka kalsoonida loo qaado Ra’iisal wasaaraha uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Xasan Sh.
Kulanka maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku yeesheen xarunta shirarka ee Villa Hargeysa ayaa waxaa soo xaadiray tiradii ugu badneyd tan iyo markii uu bilowday fadhiyada caadiga ah ee Baarlamaanka 11aad ee JFS.
Gudoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kulanka maanta shir gudoominayay ayaa sheegay in dhamaan Xildhibaanadii soo xaadiray kulanka ay codka kalsoonida siiyeen Ra’iisul Wasaaraha cusub.
Xamse Cabdi Barre oo ahaa xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad lagana soo doortay Jubbaland ayaa noqonaya Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Kulanka maanta ee codka kalsoonida Baarlamaanku ku siiyeen Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxaa soo xaadiray 220 Xildhibaan, mana jiro Xildhibaan diiday ama ka aamusay oo waxaa uu helay codka Aqlabiyadda ee xubnaha Golaha Shacabka.
Raiisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa uu guda gali doonaa dhismaha Golaha Wasiirada xukuumadda, oo ay horyaalan shaqooyin dhowr ah oo laga doonayo inay qabtaan, waxaana ugu horreeya wax ka qabashada Abaaraha ka jira inta badan gobollada dalka Soomaaliya.