Madaxweyne Xasan Sh oo fariin udiray Umadda Soomaaliyeed.
Muqdisho : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa fariin udiray dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo ku aaddan maalmaha xuriyadda ee dalka.
“Waxaan hambalyada xuska sannad guurada 62-aad ee maalinta xoriyadda 26 Juun u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin”.
“Waxaan ku boorrinayaa shacabka Soomaaliyeed inaan si wadajir ah ugu istaagno dadkeenna la tacaalaya duruufaha nololeed ee ka dhashay saameynta abaaraha”.
