Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Somaliland oo si weyn looga xusay 26-ka June.

Somaliland oo si weyn looga xusay 26-ka June.

Hargeysa : Xarunta madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 62-aad  ee kasoo wareegatay markii ay Gobollada Waqooyi (Somaliland) ka xoroobeen gumaystihii Ingiriiska.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo agaasimay, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland, madaxweyne-ku-xigeenka, guddoomiyaha golaha guurtida, guddoomiyaha maxkamadda sare, guddoomiyaha golaha wakiillada, Madaxweyne ku xigeeno hore, xildhibaanno, wasiirro, madaxda xisbiga KULMIYE, hoggaanka qaar kamid ah ururrada siyaasiga ah ee dhawaan la daah-furay, waxgarad iyo haldoor kale oo qaybaha kala duwan  iyo marti-sharaf tiro badan.

Ugu horrayn kooxda fannaaniinta ayaa munaasabadda kusoo bandhigay suugaan kala duwan oo ka turjumaysa qiimaha ay leedahay maalinta 26-ka June oo ay Gobollada Waqooyi xurnimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo munaasabadda ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay qiimaha maalintani, dadaalkii xoriyadda la geliyay iyo sida ay ugu qalanto in mar kastaba qiimaynteeda iyo muunaynteeda meel sare la gaarsiiyo.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isaguna dhankiisa bulshada ugu hambalyeeyay maalinta xorriyadda, waxaana uu madaxda axsaabta mucaaradka usoo jeediyay inay sharciyada dalka ixtiraamaan, midnimada iyo wada-jirka bulshadana muhiimad gaar ah siiyaan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo madasha ka jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan leh, ayaa ugu horrayn bulshada ugu hambalyeeyay munaasabadda 62-guurada kasoo wareegatay maalintii Gobollada Waqooyi xorriyadooda ka qaateen dawladda Ingiriiska.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxaa uu caddeeyay inay agtiisa taallo oo ay fidsan tahay gogoshii wada-hadalka ee uu horeba ugu baaqay madaxda axsaabta mucaaradka ah, walaaltinimo iyo wada-hadalna uu diyaar u yahay, isaga oo shacabkana ugu baaqay inaanay rumaysan goolaaftanka siyaasadeed iyo hadallada dhinacyadu is weydaarsanayaan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada, ayuu madaxweynuhu ugu baaqay inay tacabka u jeestaan, kana tashadaan ku-tiirsanaanta wax soo saarka dalalka shisheeye, si looga gudbo xaaladda maanta taagan ee ku timi quutal daruuriga.