Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidamada Amniga oo qabtay Burcad dhac geysanaysay.

Ciidamada Amniga oo qabtay Burcad dhac geysanaysay.

Muqdisho : Ciidamada Amniga deegaanka Daarusalaam ee Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ay gacanta ku dhigeen koox burcad ah oo dadka Shacabka ah ka dhacayay moobeelada.

Kooxda dhaca waday ayey tiradoodu aheyd Labo ruux oo watay booto Bajaaj, waxaana xilliga la qabanayay ay ku howlanaayeen dhaca Taleefanada Gacanta sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka.

Sida aanu xogta ku heleyno is rasaaseyn dhex-martay Kooxda Dhaca ku howlanayd iyo ciidamada amaanka ayaa mid kamid ah burcadda dhaawac uu soo gaaray sidaasna lagu qabtay labadooda.

Saraakiil katirsan Hay’adaha Amniga ayaa inoo sheegay in dadka Shacabka ah ay kusoo wargeliyeen xogta Ragga Burcadda ah ee dhaca geysanayay, sidaasina ay ku howlgaleen, isla markaana ay jiraan rag kale oo weli ay baadi goobayaan.

“Dadka deegaanka Daarusalaam ayaa nagu soo wargeliyay dhibaatada ay ku hayaan kooxaha Burcadda ah, iyaga oo falkii dhaca ahaa ku guda jiray ayaan la kulanay waana qabanay, waxaana u gudbinay Hay’adaha kale ee Amniga ayuu yiri” Sarkaal katirsan laamaha Amniga ee Gobolka Banaadir.

Maalmihii dambe dadka Shacabka ah ee ku nool Deegaanka Daarusalaam ayaa waxaa ay ka cabanayeen kooxo Burcad ah oo dhac u geysanayay, iyada oo ay jiraan degmooyin kale oo ay kajiraan weli kooxaha Burcadda ah ee dhaca Moobeelada.