Maamulka Galmudug oo qabtay rag falal Amni Darro ku eedeysan.
Gaalkacyo : Taliska Qeybta Booliska dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo Amniga lagu xaqiijinayay oo laga sameeyay xaafado katirsan Magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu soo qabtay dad ku eedeysan inay geysteen dhacdooyin amni darro.
Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Saddex Xidigle Cali Xersi Sahal ayaa sheegay in iyaga oo ka duulaya cabasho uga timid dadka Shacabka ah ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan 10 rag ah oo ku eedeysan dhac loo geeysanayay dadka Shacabka ah.
Taliyaha ayaa waxaa uu intaasi kudaray inay jiraan rag kale oo Ciidamada ku raad joogaan, isla markaana kuwa gacanta lagu dhigay ay ahaayeen kuwo dadka ka dhacayay Mobeelo iyo Agabyada kale ee ay wataan.
Taliye Cali Xirsi ayaa ugu baaqay dadka Shacabka ah inay ciidamada Ammaanka kala Shaqeeysaan sugidda Amniga, isaga oo uga mahad celiyay sida ay cabashada ugu soo gudbiyeen Ciidamada, isaga oo sidoo kale sheegay inay kordhinayaan howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo u qeybsan Waqooyi iyo Koonfur ayaa waxaa ka kala Arrimiya maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana mararka qaar ka dhaca falal Amni darro oo ay mas’uuliyadoodu sheegtaan Ururka Al-Shabaab.