Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Maxaa looga hadlayaa kulanka Wadajirka ah ee BFS?.

Maxaa looga hadlayaa kulanka Wadajirka ah ee BFS?.

Muqdisho : Xildhibaanada labada Gole Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo talaado ah ay yeeshaan mid kamid ah Kulamadooda caadiga ah maadaama Kulankii shalay oo Isniin ah yeelan lahaayeen uusan qabsoomin, sababta uu u baaqdayna ilaa hadda lama ogaan.

Guddoonada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada inay soo xaadiraan Kulanka maanta, iyada oo Ajanadaha kulanka uu yahay Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda 2022, waxaana hortagi doona Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle sida qorshuhu yahay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sabtidii todobaadkaan waxaa hortagay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bare oo ay si aqlabiyad leh ay ku ogolaadeen, waxaana weli horyaalla Sharciyo dhowr ah oo u baahan inay ansixiyaan.

Dadka ka faalooda arrimaha dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa qaba aragtida ah in kulankaan uu muhiim u yahay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11aad maadaama ay ku xiran tahay Miisaaniyadda guud ee dalka, Xildhibaanaduna ay qeyb ka yihiin.