Ciidanka Amniga oo qabtay Maandooriye & Rasaas.
Muqdisho : Taliska Ciidamada Booliska Qeybta Bari ee Gobolka Banaadir ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka kala ah Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa, halkaas oo dhowrkii cisho ee la soo dhaafay dadka degan ay ka cabanayeen amni darro.
Howlgalkaan oo ay qeyb ka ahaayeen Saraakiisha Ciidamada Booliska Qeybta Bari iyo Maamulada degmooyinka ayaa waxaa ay Ciidamadu sameeynayeen baaritaano Guri guri ah, iyaga oo kusoo qabtay Maandooriyeyaal, Rasaas iyo shaqsiyaad Amni darro lagu eedeyay.
Ciidamada ayaa howlgalka ku burburiyay Sandaqado la sheegay in lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kale laga helay rasaas farabadan iyo Agab kale oo looga qeyb qaadan karo falalka Amni darro oo uu dhaca qeyb ka yahay.
Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Calasow Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howlgalkaan uu yahay mid si joogto ah loo sameyn doono, isaga oo digniin u diray dadka ka Ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya, kuwa isticmaala iyo dadka dhaca geysta.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo ku hadlayay Magaca gudoomiyeyaasha ayaa dhankiisa waxaa uu ugu baaqay waalidiinta Carruurta weerada qeybta ka ah iyo kuwa dhaca u geysta Shacabka inay ceshadaan hadii kale tallaabo laga qaadi doono.
Saddexda degmo ee Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa ayaa waxaa ay kamid yihiin degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir oo Bilihii la soo dhaafay ay kajireen dhaca teefoonada iyo dhibaatooyinka ay geeysanayaan kooxo la baxay magacyo kala duwan oo xaafadaha isku dhex weerara.