Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidamada Amniga oo qabtay Maandooriye.

Ciidamada Amniga oo qabtay Maandooriye.

Muqdisho : Taliska Qeybta Waliyoow Cade ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Hodan, oo maalmanaa dambe laga soo warinayay falal amni darro.

Howl galkaan ayaa waxay Ciidamadu ku baarayeen Guryaha qaar iyo Goobaha Ganacsi, iyaga oo kusoo qabtay waxyaabaha maanka dooriya, sida Xashiis iyo calaq aad u farabadan iyo Dhalinyaro lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin falalka Amni darro ee ka dhaca degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha qeybta Waliyow-cadde oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha maanka dooriya oo ay soo qabteen ay qeyb ka ahaayeen Amni darrada kajirta Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ayaa waxaa ay intaas kudareen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga Caasimadda, iyaga oo digniin u diray dadka isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

Maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay falal Amni darro, iyadoo dhanka kale ay ciidamada Booliska wadaan howlgallada ay Amniga ku xaqiijinayaan oo ay mararka qaar kusoo qabtaan nuucyo kamid ah Daroogada & dad lala soo qabtay inkastoo aan la arkin dad ay maxkamaduhu u xukumeen falalkaas.