Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Xildhibaanada Labada Gole oo maanta kulan yeelanaya.

Xildhibaanada Labada Gole oo maanta kulan yeelanaya.

Muqdisho : Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta markale yeelanaya kulan wadajir ah, xildhibaanada ayaa kulankooda maanta Ajandahiisu yahay dhameystirka Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022.

Xildhibaanada labada Gole oo kulan wadajir ah yeeshay maalintii shalay ayaa waxaa hortagay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay su’aalo weydiiyeen, iyaga oo sidoo kale ka dooday miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022.

Wasiir Beyle ayaa Xildhibaanada Labada Gole waxaa ay ku eedeeyeen in Afartii sano ee uu xilka hayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inaysan Wasaaraddiisa sameyn wax xisaab xir ah, isla markaana ay maqan tahay lacag dhan 193 Milyan oo Dollar.

Maanta oo Arbaco ah ayaa Xildhibaanada labada gole markale waxaa ay dood adag ka yeelanayaan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022, iyaga oo sidoo kale mar kale su’aalo weydiin doona Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.