Ciidanka Dowladda oo qaaday Isbaarooyin yaallay Gobolka Sh Dhexe.
Cadalle : Ciidamada Guutada 4aad Qeybta 27aad ee Xoogga Dalka ayaa howlgalo ballaaran oo lagu qaadayay Isbaarooyin waxaa ay ka sameeyeen wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa Intii uu socday howlgalka waxaa ay qaadeen Isbaarooyin dhowr ah oo yaallay deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmooyinka Warsheekh, Raaga-ceelle iyo Cadalle, xili wadada maristeeda ay dhibaato ku qabeen dadka ku safra iyo gaadiidleyda.
Howlgalka waxaa hogaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan kadib warbaahinta ayuu la hadlay isagoo sheegay in howlgal socday saddex maalmood lagu qaaday Isbaarooyin dhowr ah oo lagu dhibaateyn jiray shacabka iyo gaadiidleyda, isla markaana looga qaadi jiray lacago sharci darro ah.
Guddoomiye Axmed Faal ayaa waxaa uu sheegay in Isbaarooyinka ay kusoo bateen deegaano hoostaga degmooyinka Warsheekh, Raaga-ceelle iyo Cadalle, kuwaasi oo uu sheegay inay dhigtaan burcad hubeysan, waxaa uuna xusay in aan la aqali karin dhibaateynta shacabka.
Wadada Xeebta dhinac marta ayaa marin muhiim ah waxaa ay u tahay isu socodka magaalada Muqdisho iyo Gobolada Sh Dhexe, Galgaduud iyo Mudug waxaana mararka qaar lagu arkaa rag hubeysan oo jidgooyo ay lacag uga qaadayaan gawaarida soo dhigta.