Saxafiyiin ku xirnaa Hargeysa oo lasii daayay.
Hargeysa : Saxafiyiinta kala ah Maxamed Cabdi sheekh Ilig & Cabdijibaar Maxamed oo ku xirnaa magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland tan iyo 15-kii April 2022 ayaa maanta lasii daayay.
Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa culeys ka dhashay xiritaanka Saxafiyiintaan kala kulantay Xisbiyada Mucaaradka, Ururrada Saxaafadda iyo Waxgaradka Somaliland.
Wariyeyaasha oo markii lasoo daayay kadib warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay u mahadceliyeen bahda Saxaafadda iyo dadkii ka qeyb qaatay inay dib u helaan xuriyadooda.
Saxafiyiintaan ayaa la xiray ka dib markii ay tabin toos ah kasoo galeen Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo uu ka socday isku dhac u dhaxeeyay ciidanka iyo maxaabiista Xabsiga.
Wariyeyaasha ayaa markii hore tiro ahaan ka badnaa illaa iyo Shan balse labadaan wariye ee kala ah Cabdijibaar Maxamed & Maxamed Ilig ayey Maxkamaddu xukun Xabsi ah ku riday.