Khadra Daahir oo geeriyootay & Madax ka tacsiyeeysay.
Hargeysa : Waxaa Isbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa ku geeriyootay Alle ha u naxariistee Fanaanadii Soomaaliyeed ee Khadra Daahir Cige oo Bari Samaadkii kamid aheyd hoboladii Waaberi.
Fanaanada Khadra Daahir Cigge ayaa xilli waxaa ay ka mid aheyd fanaaniinta hobolada Waaberi kuwooda loogu jecel yahay, iyada oo maalmihii la soo dhaafay xanuun soo wajahay la jiiftay Isbitaal kuyaalla Magaalada Hargeysa.
Khadra Daahir ayaa sida ku cad sooyaalkeeda ku dhalatay sanadkii 1957-dii magaalada Hargeysa, waxayna fanka ku biirtay horaantii 1974-kii heeskeedii ugu horeeyay waxaa uu ahaa “afka lagama sheegto adiga oo aan jaceyl arag” sida ay sheegeen dad aad u yaqaana.
Mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamulka Soomaaliland, Siyaasiyiin iyo Fanaaniin Caan ah ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Fanaanadii weyneyd ee Khadra Daahir Cigge.
Ugu horreyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday hoboladdii caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday marxuumad Khadra Daahir Cige oo magac iyo miisaan ku dhex laheyd bahda fanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.”
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa sheegay in uu murugada la qeybsanayo qoyska asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday fannaanaddii Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige, Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa qoyskii ay ka geeriyootay iyo bahda fanka.
“Marxuumaddu waxa ay kaalin muuqata oo micno leh ka soo qaadatay horumarinta dhaqanka, wacyigelinta bulshada iyo fanka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay” ayuu yiri; Ra’iisul Wasaaraha.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleemaan Cali Koore oo ka hadlayay geerida Khadra Daahir ayaa sheegay inay tebi doonto cidkasta oo ku hadasha Afka Soomaaliga, isaga oo Alle uga baryay in Janadda Fardowsa uu ka waraabiyo.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi kudaray in Khadra Daahir Cige ay aheyd Fanaanad dadka dhan ay jecel yihiin, isaga oo sheegay in Maanta Duhurkii lagu Aasi doono khabuuraha Haleeya ee Magaalada Hargeysa.