Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Bankiyo laga leeyahay Dibadda oo Soomaaliya ka howlgalaya.

Bankiyo laga leeyahay Dibadda oo Soomaaliya ka howlgalaya.

Muqdisho : Waxaa gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka howl galaan Bankiyo ay leeyihiin  dad Soomaali ah laga hirgelinayaa Xarumo Bank oo dalal ka baxsan Soomaaliya ka diiwaan gashan.

Guddiga sare ee maamulka Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay ansixiyeen in la ogolaado in Labo Banki oo Ajnabi ah laga furo gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna Muqdisho oo ay Laamo/Branch ku yeelanayaan.

Banque Misr oo ah Banki laga leeyahay wadanka Masar ayaa kamid ah Bangiyadan la meelmariyay inay xarun ka furtaan Muqdisho kaas oo ay horay u diiday sharci siintiisa dawladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo hogaaminayay ka dib markii eedo dhanka Maaliyadda ah loo jeediyay.

Sidoo kale Bankiga Turkiye laga leeyahay ee Ziraat Katilim ayaa isna loo ogolaaday in xarun uu ku yeesho magaalada Muqdisho, dalka Turkiga ayaa sanadihii dambe kamid ahaa wadamada ay Soomaalida ugu badan u safraan dhanka Waxbarashada, Caafimaadka, Dalxiiska & kooxo la sheego inay kasii tahriibaan.

Arrintaan ayaan la ogeyn saameynta ka dhalan karta maadaama mid kamid ah labadaan Banki ay horay dalka inuu xarun ugu yeesho ay diiday dowladdii hore ee uu hogaaminayay Madaxweyne Farmaajo.