Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweynaha Soomaaliya oo Martiqaad ka helay dhigiisa Turkiye.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Martiqaad ka helay dhigiisa Turkiye.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan, kulanka labada Madaxweyne ayaa daaran kala saxiixashada heshiisyo cusub, xoojinta xiriirka Xukuumadaha Muqdisho iyo Ankara & qodobo kale.

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu socdaalkiisaTurkiga qaadanayo muddo ku siman Saddex cisho oo uu kulamo & wadahadal gorfeyn ah la leeyahay dhigiisa Turkiye Erdogan.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in uu ka shaqeynayo xoojinta xiriirka dibadda iyo dib u heshiisiinta Soomaalida dhexdeeda si loo xaliyo waxyaabaha la kala tirsanayo.

Safarkaan uu Madaxweynuhu ku aadayo dalka Jamhuuriyadda Turkiye ayaa noqonaya safarkiisii labaad uu dalka dibaddiisa ku aadayo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May 2022, socdaalkii kan ka horreeyay waxaa uu ku tagay dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababarta Ciidamo, waxaana dalkaas ku maqan Askar tababar ciidan ku qaatay Xerada Turksom balse aqoon kororsi loogu qaaday Xeryo militari oo ku yaalla Dalkaas waxaana la filayaa in uu Madaxweyne Xasan Sh booqdo xeryaha ay ciidamadu ku tababartaan.

Xiriirka Xukuumadaha Muqdisho & Ankara ayaa soo billawday sanadii 2011-kii xiligaas oo dalkeenu ay ka dhacday abaar waxa uu xoogeysanayay sanadba sanadka ka dambeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale xafiiska kusoo laabtay ayaa la xasuustaa in dhiggiisa Turkiga uu Muqdisho kusoo dhawaayay bishii Janaayo 2015-kii xiligaas oo uu ahaa Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya.