Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay Macallin Jaamacadeed.

Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay Macallin Jaamacadeed.

Dharkeynley : Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeyley waxaa lagu dilay Alle ha u naxariistee mid kamid ah Macalimiinta Jaamacadaha Magaalada Muqdisho, kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday.

Macalinka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cismaan Axmed Macoow ayaa kamid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Horseed, waxaana dad aan la xiriirnay ay inoo sheegeen in rag burcad ah oo ka dhacayay taleefoonkiisa ay ku dileen Suuqyaraha degmada Dharkeynleey.

Dadka degan goobta macallinka lagu dilay ayaa inoo sheegay in Ragga Burcadda ah iyo Macalinka uu ka hor dilka dhexmaray muran taas oo keentay inay dilaan, iyaga oo ka qaatay taleefoonkiisii iyo Agab kale oo uu watay.

Dadka xaafadda & Qaar kamid ah ehellada Marxuumka ayaa tagay goobta uu dilku ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Macalinka, kaas oo la geeyay Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da, maanta ayaana lagu aasayaa duleedka magaalada Muqdisho qabuuro ku yaalla.

Hay’adaha Amniga iyo Maamulka degmada Dharkeynleey ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana uu kusoo beegmay xilli ay muqdisho kusoo bateen Kooxaha burcadda ah ee dadka dilaya kadibna dhaca u geysanaya.

Dhanka kale waxaa ka soconaya qeybo kamid ah magaalada Muqdisho howlgallo ay sameeynayaan ciidamada kala duwan ee Amniga, balse waxaa inta badan yar inay ciidamadu gacanta kusoo dhigaan burcadda dadka dilka u geysata.