Booliska Soomaaliya oo go’aan ka qaatay Amniga Caasimadda.
Muqdisho : Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa Shir looga hadlayay Amniga magaalada Muqdisho waxaa uu maanta la yeeshay Saraakiisha Taliska Qaybta guud ee Booliska Gobalka Banaadir .
Cabdifitaax Aadan Xasan oo ah Afhayeenka Ciidanka Booliska oo shirka kadib warbaahinta lahadlay ayaa waxaa uu sheegay in kulanka maanta looga hadlay amaanka guud ee Caasimadda sida wax looga qaban lahaa maadaama beryihii dambe lasoo warinayay falal amni darro.
Afhayeenku waxaa uu sidoo kale sheegay in kooxaha dhalinyarada ah ee loo yaqaano Ciyaal weerada ee mudooyinkii dambe shacabka Muqdisho dhibay ay isku badaleen Gaangis dadka dhaca, dhibaatooyin kala duwanna u gaysta.
Cabdifitaax Aadan Xasan Afhayeenka Booliska waxaa uu sheegay inay isla caawa bilaabi doonaan howlgallo kadhan ah kooxaha Ciyaal weerada iyo kuwa dadka dhaca ee kadibna dilalka gaysta, isaaga oo waalidiinta Kooxaha Ciyaal weerada la baxay uga digay in ay ka reebtaan weerada iyo dhibaatooyinka ay geysanayaan .
Afhayeen Cabdifitaax ayaa waxaa uu sheegay in cidii lagu qabto iyada oo weero kujirta ama dadka shacabka ah dhibaataynaysa ay tilaabo adag ka qaadi doonaan, sidoo kalena ay beegsan doonaan Ciidamada Boolisku dadka iibiya iyo kuwa Guryahooda lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya.
Afar iyo Labaatankii saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay in ka badan 10 kiis oo ah Moobeelo la dhacay, halka macalin Bare ka ahaa Jaamacadda Horseed lagu dilay degmada Dharkeynleey kadib markii laga dhacay Telefoon uu watay.