Faah faahinta Qarax ka dhacay Muqdisho.
Dharkeynleey : Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax goordhaweyd ka dhacay degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa qaar kamid ah dadka deegaanka waxaa ay inoo sheegeen in lagu xiray gaari uu lahaa marxuum Xaashi Cumar Xasan oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxa loogu xiray gaarigiisa.
Xaashi ayaa muddo ku dhaw 19 sano si sharci darro ah ugu xirnaa dowladda Talyaaniga, iyadoo lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa dilkii wariyeyaashii RAI ee kala ahaa Ilaria Alpi iyo Miran Hrovatin.
Sanadii 2016 ayey maxkamaddu ku weysay wax dambi ah, wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa uu noloshiisa inteeda badan ku qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaa uuna ku lahaa ganacsiyo.
Xaashi Cumar Xasan oo lacag magdhow ah oo 3 milyan € ka helay dowladii in muddo ah sharci darrada uu ugu xirnaa ayaa ugu dambeyn maanta ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee Muqdisho oo dhaawac kasoo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dabiibayay.