Xogta qarax lala eegtay Taliye Ciidan.
Afgooye : Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay qarax xoogan oo lala eegtay gaari nuuca raaxada ah.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Baar Ismaaciil gaar ahaan wadada Dugsiga Sare ee degmada Afgooye, waxaana lala eegtay Taliyaha Rugta Tadaamun ee Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.
Taliyaha qaraxa lala eegtay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdi Madoobe waxaana wararku sheegayaan inuu ku geeriyooday qaraxa lala beegsaday, lama soo warin khasaaro kale oo ka dhashay.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray wadada, waxaa ayna goobata ka qaadeen Meydka marxuumka.
Ciidamada Amniga ee degmada Afgooye, maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose midka Maamulka Koonfur Galbeed iyo Booliska Soomaaliya weli kama hadlin qaraxa lagu dilay Taliyihii Rugta Tadaamun ee Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ah ee degmada Afgooye.