Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

RW Xamse oo qaabilay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya.

RW Xamse oo qaabilay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya.

Muqdisho : Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah.

Danjire Muwallad ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kamid ah wadamada xiriirka soo jireenka ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya inkastoo mudadii uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore Farmaajo la sheegay in Sacuudigu qeyb ka aheyd dalal uu xiriirkooda Soomaaliya kala dhaxeeyo uu ahaa mid hooseeya, dowladaan cusub ayaa indhaha lagu hayaa sida ay u wajaheyso xiriirka Wadamada Khaliijka ee Sacuudigu ugu horreeyo.