Madaxweynayaasha Turkiye & Somalia oo kulan gaar ah leh.
Ankara : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn milgo sare leh loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada ee Ankara waxaa uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga, waxaana loo riday 21 madfac.
Madaxweynaha ayaa waxa uu ka qeyb galayaa kulan gaar ah oo isaga iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uga socda qasriga xarunta madaxtooyada ee dalkaas.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Saddexdii maalin ee lasoo dhaafay waxaa ay ku sugnaayeen dalka Turkiye, dhawaan ayuuna Madaxweyne Xasan Sh booqday dugsiga tababarka Komaandooska ee Isparta halkaa oo ay tababar sare ku qaataan cutubyo ka tirsan ciidanka Komaandooska ee Gorgor.