Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Maxey ku heshiiyeen Soomaaliya & Turkiye?.

Maxey ku heshiiyeen Soomaaliya & Turkiye?.

Ankara : Balal Maxamed Cismaan siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa Magaalada Ankara kula saxiixday heshiis taageero deeqo gaar ah Wasiirka Deegaanka, Magaalaynta iyo Isbeddelka Cimilada Turkiga Murat Kurum, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynayaasha labada dal Xasan Sheekh Maxamuud iyo Recep Tayyip Erdoğan.

Heshiiska ayaa waxa uu si mug leh u caddaynayaa in laga dhiso Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga dhismo ballaaran oo qeybo kala duwan leh oo ka tarjumaya baahida Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wadamada Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah iyo mid istiraatijiyadeed oo sal-adag oo leh heer siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, milatari iyo kuwo kale.

Turkiga ayaa qeyb ka ah isla markaana safka hore kaga jira wadamada taageera Soomaaliya dhanka dhismaha Ciidamada, Caawinta arrimaha Bani aadannimo iyo fulinta mashaariic horumarineed.