Umadaha Islaamka oo u dabaal degaya Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo.
Guud ahaan Wadamada Islaamka ayaa maanta waxaa si weyn looga dabaal dagayaa farxada maalinta Koowaad ee munaasabadda Ciidul Adxaa oo maanta ku beegan.
Maalinka Tobanaad ee bisha Carafo ama Dulxij oo maanta ku beegan ayay guud ahaan Umadaha Muslimiinta waxaa ay u tahay maalin ay farxad ku ciidayaan, iyadoo dhanka kale xujeyda sanadkaan ay maanta gudanayaan qeybaha ugu muhiimsan ee acmaasha Xajka.
Guud ahaan Umadaha Islaamka ayaa subaxnimadii hore ee maanta isugu tagay Masaajidda iyo Goobaha kale sida Musalayaasha waa weyn si ay u tukadaan Salaada Ciidul Adxaa, waxaana wadooyinka lagu arkayaa dadyowga ciidaya oo ay farxad ka muuqato isuguna hambalyeeynaya damaashaadka maalintaan.
Guud ahaan Ummadaha Islaamka ayaa sanadkiiba laba jeer udabaal dega munaasabadda Ciidda oo kala ah; Ciidul Fidri & Ciidul Adxaa, waxaana Ciid walba ay timaadaa kadib markeey Umadaha Islaamka gutaan Rukni kamid ah Arkaanta Islaamka.
Salaadda Ciidul Fidriga ayaa la tukadaa marka ay dhamaato bisha Ramadaan oo ay Dadka Muslimka ahi Soomaan, halka Ciidul Adxaa la oogo maalinka Tobanaad ee Bisha Dul Xijah oo kamid ah bilaha Xurmada leh isla markaana ay Xujeyda gutaan Acmaasha Xajka.