Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Xubno Al-Shabaab ka tirsan oo howlgal lagu dilay.

Xubno Al-Shabaab ka tirsan oo howlgal lagu dilay.

Hiiraan : Howlgallo qorsheysan oo ay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen Tuulada Bukure ee hoos tagta degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Ciidamada dowladda ayaa weerar ku qaaday Tuulada Bukure halkaas oo ay dhawaan Al-Shabaab fariisin cusub ka sameysteen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaraar oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa waaweyn.

Maxamed Xasan Ibraahim Baakaay Taliyaha Guutada 5aad ee qeybta 27aad ee CXDS ayaa sheegay in howlgalka ay ku burburiyeen Saldhigii weeynaa oo ay Al-Shabaan kulahaayeen Tuulada Bukure, isla markaana ay ka dileen 12 dagaalame.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in howlgalka uu yahay mid weli ay ka wadaan tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayna siweyn u xaqiijinayaan Amniga Guud ee deegaanadii ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa deegaano katirsan Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas waxaa ka socday howlgallo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Hiiraan, iyada oo howlgallada ay kula wareegeen deegaano dhowr ah.