Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sh oo dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Xasan Sh oo dalka dib ugu soo laabtay.

Muqdisho : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud & wafdi uu hoggaaminayay oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa dalka Eritrea  ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa heshiis is afagarad ah lasaxiixday Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, heshiiskaas oo taabanaya dhinacyo badan oo khuseeya danaha labada dowlad ee gobolka Geeska Afrika.

Wadanka Eritrea waxaa ku sugan ciidan Soomaali ah oo halkaas tababar ku qaatay waxaana tiradooda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku sheegay inay tahay 5,000 oo Askari.

Madaxweynaha 10aad ee JFS Xasan Sh Maxamuud ayaa waxaa uu kamid ahaa mas’uuliyiintii dhaliilay qaabkii ay dowladdii hore u wajahday kiiska dhalinyaradaan oo dhowr jeer ay kasoo baxeen warar kala duwan.

Xubnihii Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweyne ee uu ka tirsanaa Madaxweynaha iminka xafiiska jooga ayaa shaki geliyay bad qabka dhalinyaradaa, waxaana mar la baahiyay inay ka qeyb galeen dagaalkii u dhaxeeyay Xukuumadda Ethiopia & Xoogagga Tigreey.