Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Maxay kawada hadleen Axmed Madoobe & Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Maxay kawada hadleen Axmed Madoobe & Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Kismaayo : Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo ay kamid ahayeen  madaxa hay’adda USAID ee Soomaaliya iyo sarakiil ka socotay howlgalka Maraykanka ee Africom.

Madaxweynaha Jubaland iyo Mas’uuliyiintan kasocotay Dowlada Maraykanka ayaa ka wada hadlay arimaha ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo tageerada Maraykanka ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska iyo arimaha gobolka geeska afrika.

Sidoo kale kulankii u dhaxeeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam & Safiir Larry Andre ayaa waxaa looga hadlay shaqo abuurka dhalinyarada kasoo noqonaysa xeryaha qoxootiga iyo kuwa gudaha ku barakacay.

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay qeyb ka tahay dalalka Soomaaliya ka taageera arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan Amniga, Dhaqaalaha & Mashaariicda Horumarinta deegaanka iyo dhaqaalaha.