Faah faahinta weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeen Sh Hoose.
Janaale : Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab xalay saqdii dhexe ay ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya kuleeyihiin deegaanka Janaale.
Qaar kamid ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Janaale oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay inuu halkaasi ka dhacay dagaal in muddo ah socday oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiil katirsan Ururka 83-aad, Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen dagaal kooban oo ka dhacay deegaanka.
Sidoo kale saraakiisha ayaa waxaa ay deegaanka Janaale kusoo bandhigeen meydka Qof ay ku sheegeen inuu kamid ahaa xubnihii dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday Janaale kaas oo dagaalka lagu dilay.
Taliyaha Ururka 83-aad ee Guutada 14 October Gaashaanle Sare Nuuradiin Xuseen ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay deegaanada howdka ah ee Janaale ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab ee xalay weeraray.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Janaale ee Gobolka Sh Hoose ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u shaqeynayaan.
Gobolka Sh Hoose ayaa kamid ah goobaha ugu badan oo ay ku sugan yihiin Ciidamada kala duwan ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa waxaana weli gobolkaas ka jira weeraro ay xilliyada qaar xubno ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ku ekeeyaan Saldhigyada Ciidamada.