Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faah faahinta shil ka dhacay duleedka Caabudwaaq.

Faah faahinta shil ka dhacay duleedka Caabudwaaq.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo kadhacay duleedka Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaasi ku geeriyooday labo ruux oo magacyadooda lagu kala sheegay Ismaciil Cumar Geelle iyo Aadan Hoorri waxaana sidoo kale jira tiro dhaawacyo ah.

Labada ruux ee dhintay ayaa la sheegay in ay kasoo baxeen degmada Balanbale iyaga oo u socday inay ka qeyb galaan aaska Allaha u naxariistee Taliyihii NISA ee Galmudug iyo Gabar la dhalatay oo lagu dilay Degmada Caabudwaaq.

Gaariga shilka galay ayaa ka mid ahaa gawaari ka soo baxday Degmada Balanbal si ay uga qayb galaan Aaska Allaha u naxariistee Taliyihii NISA ee Galmudug Faarax Cumar Geelle (Bayr) iyo walaashiis Xaawo Cumar Geelle oo maanta lagu dilay Degmada Caabudwaaq.

Wararka deegaanka naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan inuu goobta ka baxsaday ruuxii dilka u geystay Taliyihii NISA ee Galmudug, kaas oo tirsanayay takane hore oo dhex martay isaga iyo askar uu hoggaaminayayTaliyaha geeriyooday.