Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay xubno Al-Shabaab ka tirsan.

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay xubno Al-Shabaab ka tirsan.

Ururka 5-aad Guutada 16-aad Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgal Qorshaysan oo lagu dilay Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen deegaanka labakuus oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee warbaahinta u qaabilsan Ciidanka Danab ayaa lagu sheegay in deegaanka labakuus ay Al-Shabaab ku lahayeen bar kantarool oo ay lacag uga qaadayeen shacabka & gaadiidka mara deegaanka waxaana sidoo kale goobta ku taalay meel lagu kaydiyo waxay ugu yeeraan sakawaad.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka lagu dilay 5 katirsan Al-Shabaab oo uu ka mid yahay Sarkaalkiii Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca maaliyadda ee deegaanka oo magaciisa lagu soo koobay ismaciil halka lagu soo qabtay mid ka mid ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Danab waxaa uu sheegay in howlgalka Al-Shabaab looga furtay hubkii ay isticmaalayeen Shanta ruux ee la dilay oo kala ah 4 qori oo nooca Ak 47 ah iyo Hal qori oo BKM ah.

Taliyaha Ciidanka Dana boo la hadlayay warbaahinta Dowladda waxaa kale oo uu sheegay inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ku beegsanayaan fariisimaha & Deegaanada ay ku sugan yihiin.

Marka laga soo tago warkaan kasoo baxay Taliska Ciidanka Kumaandooska ee Danab ma jiro war arrinkaan la xiriira oo kasoo baxay dhanka ururka Al-Shabaab.