Faah faahinta shil qasaare geystay oo ka dhacay gobolka Bari.
Carmo : Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay wadada u dhexaysa Tuulooyinka Laas Barwaaqo iyo Kunaso oo ka tirsan Degmada Carmo Ee Gobolka Bari.
Shilka ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen Gaari Hoomeey ah iyo Gaari kale oo kuwa yar ah, waxaa inta la xaqiijiyay uu dhaawac kasoo gaaray illaa iyo 7 qof oo la geeyay Isbitaalka magaalada Carmo, mid kamid ah dadkii dhaawaca culus qabay ayaana gudaha Isbitaalka ku geeriyooday.
Mid kamid ah dadkii ku safrayay wadada uu shilku ka dhacay ayaa inoo sheegay in Ciidamo ka yimid Saldhiga Booliska ee Carmo & Dadkii wadada marayay ay u gurmadeen gawaarida shilka gashay dadkii saarnaa sidaasna ay ku suuro gashay in dhaawacyada lagu geeyo Isbitaalka Weyn Magaalada Carmo ee Gobolka Bari.
Sida aanu xogta ku heleyno labada gaari ee shilka galay midkood ayaa ka yimid Magaaalada Boosaaso, halka kan kalena uu kusii jeeday Boosaaso, shilkaan ayaa la sheegay inuu sababay gaadiidka oo si xawli ah ku socday.
Deegaanada Soomaaliya ayaa inta badan waxaa ka dhaca shilal gaadiidka ah taas oo loo sababeeyo wadayaasha gawaarida oo xawaare sare ku kaxeeya iyo wadooyinka qaar oo burbursan.
Goobaha ugu badan ee sanadihii lasoo dhaafay laga diwaan geliyay shilalka ugu badan ayaa waxaa kamid ah deegaanada Soomaaliland & Puntland, waxaana shilalkaa ku dhintay dad tiro badan halka qeyb kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen.