Ciidanka DFS oo howlgal ku qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaanada kala ah; Leego, Yaaq Bariweyne iyo Warta Madax Maroodi oo kawada tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Cali Cabdulaahi Halac Taliyaha Ururka 64aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalka hogaminayay ayaa Warbaahinta Ciidamada u sheegay in ujeedku uu ahaa “in Al-Shabaab laga saaro deegaanadaas, isla markaana loo xaqiijiyo guud ahaan Amniga.
Taliye Halac ayaa waxaa uu sheegay inay sidoo kale howlgalka kusoo qabteen, xubno ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaas oo mararka qaar weeraro ka geysan jiray deegaanada ay ciidanku howlgalka ka sameeyeen.
Gobolka SH Hoose waxaa uu kamid yahay gobolada ay ku sugan yihiin Ciidanka ugu badan ee dowladda Soomaaliya, si gaar ah waxaa ku yaalla xerada Balidoogle oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidanka Kumaandooska Danab, waxaana gobolka weli saameyn ku leh dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo xilliyada qaar weeraro ka geysta.