Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Xubno Al-Shabaab ka tirsan oo lagu qabtay Puntland.

Xubno Al-Shabaab ka tirsan oo lagu qabtay Puntland.

Boosaaso : War kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Amniga Puntland ee ka howlgala Gobolka Bari inay gacanta kusoo dhigeen saraakiil sare oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ah halka ay ciidanku Howlgalka ka sameeyeen, waxaana Madaxda Amniga ee Puntland ay sheegeen in Ragga la qabtay ay ahaayeen kuwo dhibaato ka geystay Magaalada Boosaaso dhawaanna Maxkamadda la horgeyn doono.

“Waxay ahaayeen Saraakiil Al-Shabaab katirsan oo in muddo ah la baadigoobayay qaarkood Xogtooda iyo magacyadooda ayaan sii heynay, waa ay mahadsan yihiin dadkii nala shaqeeyay, kuwa shacabka iyo dowlad nimada liddiga ku ah waana sii beegsan doonaa”ayuu yiri Sarkaal u hadlay Ciidamada Amniga Puntland.

Deegaanada maamulka Puntland si gaar ahna gobolka Bari qeybo kamid ah waxaa ku sugan xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab & Daacish, kuwaas oo xilliyada qaar weeraro la beegsada xeryaha ciidamada maamulka Puntland.

Sidoo kale gobolka Mudug qeybta maamulka Puntland waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal qorsheysan oo ay mas’uuliyadooda sheegteen ururka Al-Shabaab, inkastoo ay ciidamadu soo qabteen shabakado abaabulan oo Al-Shabaab ka tirsanaa.