Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Amaanka gobolka Bari oo Amarro laga soo saaray.

Amaanka gobolka Bari oo Amarro laga soo saaray.

Boosaaso : Kulan wadajir ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta maamulka gabolka Bari oo uu shir gudoominayay Cabdirisaaq Saciid ali (Shaahdoon) gudoomiyaha gabolka Bari kaa oo labo cisho socanayay ayaa laga soo saaray qodobo muhiim u ah Amniga gobolka.

Qodobada Ammaanka la xiriira ee shirka laga soo saaray ayaa waxaa kamid ah in ciidamadda Amaanku ay ilaaliyaan mas’uuliyada oo aysan abuurin iska hor imaadyo ciidamada dhexdooda ah.

Qodobkan Amni ee Ciidamada la xiiira ayaa kusoo aadaya kadib markii ay dhowr jeer magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ay kuwada dagaalameen Ciidamada PSF iyo PMPF, waxaana ugu dambeeyay shaqaaqadii garoonka Boosaaso labada ciidan ku dhex martay.

Isku dhacyada ciidamada dhexdooda ah ayaa la xaqiijiyay inay kamid tahay meelaha qasaaraha ugu badan uu rayidka kasoo gaaro maadaama goobaha ay ciidamadu ku dagaalamayaan ay yihiin xaafadaha magaalada dhexdeeda ah.

Qodobada kale ee laga soo saaray kulanka Amniga gobolka Bari looga arinsanayay ayaa ah xakamaynta hubka sharci darrada ah, la dagaalanka waxyaabaha drugs-ka ah sida khamriga iyo la dagaalanka & ka hortagga dhibaatooyinka kooxaha Al-Shabaab & Daacish.