Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Xubno Al-Shabaab ka tirsan oo lasoo bandhigay.

Xubno Al-Shabaab ka tirsan oo lasoo bandhigay.

Ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa soo bandhigay ku dhawaad 50 dagaalame oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab isla markaana lagu qabtay dagaal dhowr habeen ka hor ka dhacay xadka dhulka Ismaamulka Soomaalida & gobolka Bakool.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Liyuu Boolis ayaa lagu sheegay in Ragaan dagaalka lagu qabtay qaarkood oo dhaawacyo qaba la dabiibayo, halka kuwa kalena loo gudbiyay xabsiyada ciidanka.

Xubno kamid ah dagaalamayaasha ururka Al-Shabaab ayaa weeraray fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidanka Liyuu Police, waxaana weli deegaanada qaar ka socda dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab.

Faah faahinada laga helayo qasaaraha ka dhashay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanada dhaca Xadka iyo dagaaladii xigay ayaa lagu sheegay in ka badan 100 ruux oo dhaawacyo ah, waxaana weli la helin qiyaasta ama qasaaraha rasmiga ah ee dhimashada.

Saraakiil katirsan Ciidanka liyuu Boolis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deegaanka Huluul oo hoostaga degmada Hargeelle ee Gobolka afdheer ay ku hareereeyeen Xubno kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weeraray deegaanadaas.

Saraakiisha Ciidamada Liyuu Police ee warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale guulo ka sheegtay dagaalka ay la galeen Al-Shabaab waxaana ay sheegeen in 9 kamid ah gaadiidkii ay wateen ay ka carareen Al-Shabaab halka laga gubay 7 gaari oo kale.