Ciidanka Puntland oo howlgal wadajir ah fuliyay.
Howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada Amniga dowlad Goboleedka Puntland sida Daraawiishta, PSF & PMPF oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ayaa laga fuliyay deegaano dhaca buuraleyda Silsilada Goolis ee Gobolka Bari.
Saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaan uu ujeedkiisu ahaa sidii dhulka buuraleyda ah looga saari lahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab oo aad ugu xoogan, iyaga oo mararka qaar weeraro abaabulan kasoo qaada.
Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland ee aagga buuraleyda silsilada Goolis G/Sare Siciid Nuur Shire ayaa sheegay inay Ciidamada howlgalka kula wareegeen dhamaan fariisimihii Al-Shabaab ee dhulka buuraleyda Goolis kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.
Waxaa uu hadalkiisa intaas kudaray in Ciidamada Difaaca Puntland ay howlgalka ku qabteen Saad nuucyo kala duwan ah iyo daawooyinkii ay isticmaalayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka howlgalayay aagga buuraleyda Goolis, isla markaana howlgalka ay sii wadi doonaan.
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa kamid ah maamulada dagaalka kula jira dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab iyo Daacish kuwaas oo goobaha ay fariisimaha ugu waaweyn ay ku leeyihiin ay qeyb ka yihiin dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.