Madaxweyne Xasan Sh oo safar shaqo ugu ambabaxay Masar.
Muqdisho : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka xiriirka soojireenka ah la wadaaga dalkeenna ku maraya socdaal ku saleysan dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunida ayaa maanta u amba-baxay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.
Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi la yeelan doona wadahadallo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ee horumarinta waxbarashada dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarro shaqo & ka qeyb galka shirar waxaa uu ku kala bixiyay wadamo dhaca gobolka geeska Afrika iyo qeybo kale waxaana ay kala yihiin dalalka uu tagay Eritrea, Kenya, Djibouti, Tanzania, UAE & Turkiye.