Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Tahriibayaal ay Soomaali ku jiraan oo la badbaadiyay.

Tahriibayaal ay Soomaali ku jiraan oo la badbaadiyay.

Dad muhaajiriin ah oo tiradooda lagu qiyaasay in ku dhaw 1,200 oo aan heysan wax sharci ah ayaa waxaa ay gaareen xeebaha waddanka Talyaaniga, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dalkaas.

Dadkaan Muhaajiriinta ah oo intooda ugu badan ka yimid wadamo ku yaalla qaaradaha Aasiya, Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa waxaa ay ka dageen dakado macmal ah oo ku yaalla xeebaha Sicily ee wadanka Talyaaniga.

Mas’uuliyiinta u hadlay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga waxaa ay sheegeen in 674 qof laga soo badbaadiyay xeebaha Calabria, sidoo kalena waxaa kooxaha badbaadada ee Ciidamada ilaalada Xeebaha ay badda kasoo saareen 5 meyd ah.

Muhaajiriinta ayaa waxaa ay ku safrayeen nuuc kamid ah doomaha kalluumeysiga, waxaa ayna wararku sheegayaan in doontaas la saaray dad ka badan intii loogu talagalay, taasi oo sababtay in dadka qaar ay Badda ku geeriyoodaan.

Xogta la helay ee la xiriirta dadka mahaajiriinta ah ee lasoo badbaadiyay ayaa sheegeysa inay kamid yihiin tahriibayaal kasoo jeeda wadamada Soomaaliya, Afghanistaan, Suudaan iyo Itoobiya.

Waxaa wararka kale ee soo baxaya ay sheegayaan in xeebaha Lampadusa Sabtidii la geeyay dad gaaraya 552 qof oo muhaajiriin ah kuwaas oo lasoo badbaadiyay waxaa ayna ku safrayeen ilaa 15 doomood.

Xogta la helay ayaa sheegaysa in doomahan tahriibayaasha siday ay kasoo dhaqaaqeen xeebaha dalalka Tunisia iyo Libya, Lampadusa waxaa ku taalla mid kamid dekedaha ugu muhiimsan ay kasoo degaan dadka isku dayaya inay galaan Yurub.

Wadanka Talyaaniga ayaa waxaa uu kamid yahay goobaha ugu badan ee ay u safraan muhaajiriinta waxaana uu dhanka Badda xuduud kala wadaagaa wadamo dhaca qaaradda Afrika.