Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Al-Shabaab oo beeniyay sheegashada Itoobiya.

Al-Shabaab oo beeniyay sheegashada Itoobiya.

Afhayeenka howlgallada Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Cabdi casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Ururka ayaa beeniyay sheegashada dowladda Itoobiya ee ahayd inay dileen xubno sare oo uu isagu kamid ahaa.

Afhayeenka u hadlay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa uu beeniyay in hogaamiye sare Fu’aad Maxamed Khalaf Shangoole oo kamid ah madaxda Ururka lagu dilay dagaaladii ka dhacay Gobolka Bakool.

Cabdi casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay dagaalamayaashoodu weerareen fariisimo iyo saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidanka Liyuu Police, isla markaana ay mar qura dagaal saddex jiho ah ku galeen, uuna jiro qasaare badan oo ay gaarsiiyeen dhinaca kasoo horjeeda.

Afhayeenka Howlgallada Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay inay dagaalka kusoo biireen diyaarado balse ay isaga caabiyeen gantaalada lidka diyaaradaha taasi oo sababtay in ay dib u laabtaan iyagoo aan wax duqeyn ah geysan sida uu hadalka u yiri.

Dagaallo qaraar oo u dhaxeeya Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab iyo Ciidanka Liyuu Police ayaa weli ka soconaya xadka gobolka Bakool uu la wadaago Itoobiya, labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo ayaana guulo ka kala sheeganaya.

Sidoo kale bartamihii todobaadkii ina dhaafay ayaa xubno kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab waxaa la xaqiijiyay inay ka talaabeen xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya gaar ahaan aagga degmada Feer Feer.