Itoobiya oo sheegtay inay dishay saraakiil Al-Shabaab ah.
Dawladda Itoobiya ayaa war cusub kasoo saartay dagaal shalay dhex maray Al-Shabaab & Ciidanka Liyuu Police, Itoobiya ayaa sheegtay inay dagaalka ku dishay Saddex kamid ah Hogaamiyeyaasha sare ee Ururka Al-Shabaab.
Madaxa Ciidamada difaaca ahna Isku duwaha Howlaha KMG ah ee Taliska Nabadsugida Itoobiya Jen Tesfaye Ayaleh ayaa kudhawaaqay ayaa yiri; “Dagaal ka dhacay gobolka Bakool waxaan ku dilnay Fu’aad Maxamed Khalaf, Cabdi casiis Abuu Muscab iyo Cubeeyda Nuur Ciise”.
Dowladda Itoobiya sarkaalka u hadlay ayaa sidoo kale sheegay in xubnahaan ay dileen ay hayeen xilal kala ah; Fu’aad Maxamed Khalaf Shangoole oo ahaa Madaxa abaabulka iyo Tashkiilinta Alshabaab, kaasoo kamid ahaa madaxda sare ee kooxda, Dawladda Mareykanka ayaa horaan madaxiisa u dul dhigtay Malaayiin Dollar.
Cabdi casiis Abuu Muscab oo ahaa afhayeenka kooxda Al Shabaab ee dhinaca Howlgalada iyo Cubeeyda Nuur Ciise oo ahaa shaqsigii Al-Shabaab u qaabilsanaa Abaabulka dagaalka xuduudka Itoobiya iyo gobalka Bakool.
Dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa dagaallo ku ekeeyay fariisimaha Ciidanka Liyuu Police ee dowlad deegaanka Itoobiya, waxaana dagaalkii shalay oo Jimce aheyd ugu dambeeyay lasoo wariyay inay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Itoobiya.