Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Sawirro : Wafdi ka socda QM oo gaaray Galmudug.

Sawirro : Wafdi ka socda QM oo gaaray Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan  Soomaaliya, James Swan,  oo maanta soo gaaray magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha iyo danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin mashaariicda hormarineed, aminiga, abaaraha, la dagaalanka Alshabaab iyo xafiis cusub oo dhawaan Qaramada Midoobay ay ka furanayso caasimadda Galmudug.