Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweynaha Hir-Shabelle oo magacaabay Gole Wasiiro.

Madaxweynaha Hir-Shabelle oo magacaabay Gole Wasiiro.

Jowhar : Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabelle Cali Guudlaawe ayaa muddo kadib waxaa uu magacaabay Gole Wasiiro oo tiro ahaan gaaraya 81 mudane, kuwaasoo kala ah 27 Wasiir, 27 Wasiir ku xigeen iyo 27 Wasiir udowle.

Magacaabista Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Guudlaawe ayaa aheyd mid in muddo ah lawada sugaayay, waxaana kasoo muuqday illaa iyo Afar Wariye oo Labo kamid ah ay yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hir-Shabelle.