Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faah faahinta kooxo hubeysan oo Nabadoon dilay.

Faah faahinta kooxo hubeysan oo Nabadoon dilay.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay magaalada Afgooye ee gobolka Sh Hoose, Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa dilay Nabadoon Aadan Abshir Maadeey oo ku magac dheeraa Nabadoon Bujis.

Kooxo Hubeysan ayaa Nabadoonka dilay xilli uu kasoo baxayay gurigiisa waxaana uu dilku ka dhacay meel aan ka fogeyn Saldhigga Booliska ee degmada Afgooye, iyadoo wararku sheegayaan in kooxda dilka geysatay ay kasoo dageen Mooto uu Nabadoonku qorsheynayay inuu raaco.

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya inay goobta ka baxsadeen kooxdii dilka Nabadoonka ka dambeysay, waxaana Meydka marxuumka goobta ka qaaday Ciidamada Booliska iyo qaar kamid ah ehelladiisa oo goobta gaaray.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah goobaha ugu badan ee ay ka dhacaan falalka Amni Darro, waxaana mudooyinkii dambe Afgooye ka dhacay dilal qorsheysan iyo Qaraxyo Miino loo adeegsaday.