Fu’aad Shongole oo ka hadlay war kasoo baxay Dowladda Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan baahisay in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ay ku dileen madax sare oo ka tirsan Al-Shabaab, Afhayeenka howlgallada Al-Shabaab oo kamid ahaa dadka ay Itoobiya sheegtay inay ku dhinteen duqeyntaa ayaa dhawaan beeniyay arinkaas.
Waxaa mar kale soo hadlay Fu’aad Maxamed Khalaf Shangoole oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Ururka Al-Shabaab oo ay isaguna dowladda Itoobiya ku dartay liiska madaxda Al-Shabaab ee duqeymaha ku beegsadeen.
Shangoole ayaa beeniyay inuu jiro warka ay baahiyeen warbaahinta ee sheegashada Itoobiya taasoo aheyd inay ku dileen duqeymo iyo dagaallo ka dhacay xuduudka gobolka Bakool todobaadkii aynu kasoo gudubnay.
Warbaahinta ku hadasha afka Ururka Al-Shabaab ayaa sii deysay Cod laga soo duubay Shangoole kaasi oo sheegaya inuu caafimaad ahaan wanaagsan yahay isla markaana aanay waxba ka jirin inuu dhib kasoo gaaray duqeymaha ay dowladda Itoobiya sheegtay inay diyaaradaheedu fuliyeen.
Sarkaal sare oo u hadlay dowladda Itoobiya ayaa Jimcihii aynu kasoo gudubnay waxaa uu sheegay inay dileen Madax sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ay kamid yihiin Afhayeenka Howlgallada Cabdi casiis Abuu Muscab & Fu’aad Maxamed Khalaf Shangoole oo labaduba beeniyay inay dhibaato kasoo gaartay dagaalladii u dambeeyay.
Dowladda Itoobiya weli wax war ah kama soo saarin hadalka kasoo yeeray ragga Al-Shabaab ka tirsan oo ay horay u sheegtay inay ku geeriyoodeen duqeymo ay fuliyeen diyaaraheeda dagaalka.