Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Al-Shabaab oo weeraray saldhig Ciidanka Kenya.

Al-Shabaab oo weeraray saldhig Ciidanka Kenya.

Faah faahino dhaaraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Kenya & Ururka Al-Shabaab dagaalamayaal ka tirsan, kaasi oo ka dhacay deegaan hoos taga gobolka Jubada Hoose, ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Xubno kamid ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Taabta oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka ayaa laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaa ayna qaar kamid ah dadka deegaanka oo nala hadlay ay soo warinayaan inuu jiro qasaare xooggan oo dagaalka ka dhashay, maadaama ay labada dhinac adeegsanayeen hub culus.

Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Jubbaland & Kenya intaba kama aysan hadlin dagaalka iyo qasaaraha ka dhashay, sidoo kale dagaalamayaasha Al-Shabaab weli wax war ah kama soo saarin weerarkaan ay xubno iyaga kamid ah ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Kenya ee deegaanka Taabta.