Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Q.M oo ku dhawaad 10 Milyan ugu deeqday Abaaraha Soomaaliya.

Q.M oo ku dhawaad 10 Milyan ugu deeqday Abaaraha Soomaaliya.

Hay’adda Arrimaha Bani’aadan nimada u qaabilsan Qaramada Midoobe ayaa lacag 9.5 Milyan oo dollar ah bixisay si gargaar deg deg ah loo gaarsiiyo bulshooyinka ku nool goobaha ay saameynta adag ku yeelatay abaarta ku dhufatay guud ahaan Soomaaliya.

Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM iyo isu duwaha gargaarka Bani’aadan nimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in abaarta ku dhufatay Soomaaliya ay meelaha qaar gaartay heer Macluul ah sida deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM Adam Abdelmoula ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay; “in qatarta Macluusha ay kor u kacday” marka loo eego dadka gudaha ku barakacay.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Qaramada Midoobe Soomaaliya oo qeybo badan oo kamid ah aan wax roob ah helin Xilli roobeedkii 4aad ayaa abaartu waxaa ay guryahooda ka barakicisay 900,000 , waxaana ay abaartu si toos ah u saameysay dad lagu qiyaasay 7 Milyan oo ruux.

Deegaanada qaar waxaa ka jirta nolol adag waxaana yaraaday Biyihii & Cunnadii taasi oo ay xitaa saameyn ku leedahay Amni darrada ka jira qeybo kamid ah gobollada dalka Soomaaliya.