Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faah faahinta Qarax ka dhacay gobolka Togdheer.

Faah faahinta Qarax ka dhacay gobolka Togdheer.

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan Qarax qasaare geystay kaasi oo ka dhacay deegaano hoostaga gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland.

Sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka Qaraxa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Sibidhleey iyo Haruura dhanka xaduudka xigta waxaana uu qasaare u geystay Saddex Caruur ah oo wada dhashay.

Carruurta ayaa sida la sheegay ku ciyaarayay Qaraxa, waxaana sidoo kale lasoo warinaya dhaawaca Lix ruux, kadib markii uu shil la galay gaariga gurmadka oo ay isku dhaceen gaari rakaab siday deegaanka Balli-Hiile.

Caruurta walaalaha ah oo xoolo la jiray ayaa mid kamid ah waxaa uu garaacay Miino isla goobta ayuuna ku geeriyooday, halka labadii kalena uu dhaawac kasoo gaaray.

Isku duwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Togdheer ayaa sheegay in qasaaruhu kordhay kadib markii uu shil galay gaarigii Ambulance ahaa oo siday dhaawaca labada wiil.

Dr Maxamed Yuusuf Isku duwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Togdheer waxaa uu sheegay inay mar kale gurmad u fidiyeen dadkii saarnaa gawaarida shilka gashay tirade guud ee dhaawacana waa 8 ruux oo la dhigay Isbitaalka guud ee magaalada Burco.

Dadka dhaawacyada qaba ee Isbitaalka la dhigay waxaa kamid ah ehellada caruurta markii hore ay miinadu ku qaraxday, qeybo kamid ah gobollada Soomaaliya waxaa xilliyada qaar lagu arkaa haraadiga waxyaabaha qarxa oo la rumeysan yahay inay kasoo hareen dagaalladii Soomaaliya & Itoobiya waxaana ugu badan deegaanada dhaca xuduudka labada wadan.