Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ganacsiga

Dowladda Mareykanka oo lacag ugu deeqday abaaraha ka jira Afrika.

Dowladda Mareykanka oo lacag ugu deeqday abaaraha ka jira Afrika.

Mas’uul u hadlay dowladda Mareykanka ayaa sheegay in duulaankii Ruushka u uku qaaday Ukraine ay ka dhalatay sare u kac qiimaha cuntada ah, si gaar ah waxaa uu sheegay inay arrintaa saameyn ku yeelatay dalalka Afrika gaar ahaanna kuwa saxaraha ka hooseeya.

Danjire Linda Thomas-Greenfield oo ah ergeyga dawladda Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Ghana ayaa tiri; “Qiimaha cuntada ee dunida waxaa uu 23% ka sarreeyaa qiimihii uu joogay sannad ka hor, laakiin sare u kacaasi waxaa uu si xun u saameeyay dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, waxaana qiimaha cuntada lagu iibsado ay sare u kacday illaa 40%”.

Ergeyga dawladda Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay danjire Thomas-Greenfield waxaa ay sidoo kale xubin ka tahay Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Joe Biden, waxaa ay safar qaadanaya afar maalin ku joogtaa qaaradda Afrika, iyada oo booqanaysa dalalka Uganda, Ghana iyo Cabo Verde.

Danjire Linda waxaa ay sheegtay in haatan la filayo in dadka cunto yaridu ku hayso dunida inay kor u dhaafto illaa 230 million oo qof, taasi oo ka dhigan in weerarka Ruushka ee Ukraine inuu tirada dadka saboolka ah ee aan cuntada haysan ku sii kordhiyey illaa 40 milion oo qof oo dheeraad ah.

Danjiraha ayaa intii ay joogtay dalka Ghana waxay ku yaboohday in ka badan $127 milyan oo gargaar bani’aadan nimo ah oo loogu deeqayo qaaradda Afrika, taasi oo diiradda lagu saarayo in lagu taageero arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.