Xildhibaanada Golaha Shacabka oo codka kalsoonida uqaaday Xukuumadda Dan Qaran.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan yeelanaya, waxaana Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeynayaa xubnaha magacaaban ee Golaha Wasiirada si codka kalsoonida loogu qaado.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalintii shalay aheyd xilli hore waxaa loo diray fariinta ah inuu maanta jiro kulan weynaha Golaha kaasi oo ajandahiisu yahay codka kalsooni u qaadida Xukuumadda magacaaban.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xubnaha Xildhibaanada ah ka hor jeedin doona qorshe howleedka Xukuumaddiisa kadibna weydiisan doona Xildhibaanada inay codka kalsoonida siiyaan
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa todobaadkii hore soo magacaabay xubno Gole Wasiiro oo ka kooban 75 xubnood iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeen, inkastoo mid kamid ah wasiir ku xigeenada la magacaabay uu diiday.
Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii dambe ka socday kulamo ay wasiirada magacaaban la qaadanayeen xubnaha Xildhibaanada ee beelaha ay ku matalaan Xukuumadda iyagoo ka dalbanayay inay codka kalsoonida ah siiyaan golaha Wasiirada.
Dhanka kale waxaa jira guux siyaasadeed sheegaya inay isbaheysi Baarlamaanka dhexdiisa ah kaasi oo lagu doonayo in looga hortago inay codka kalsoonida helaan xubnaha magacaaban ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse.