Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Qarax qasaare geystay oo ka dhacay magaalada Jowhar.

Qarax qasaare geystay oo ka dhacay magaalada Jowhar.

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle.

Qaraxa ayaa sida goobjoogayaal ay inoo xaqiijiyeen waxaa uu ahaa mid lagu soo raray gaari nuuciisu yahay NOAH, waxaana uu ka dhacay halka loo yaqaano Todobada Geed oo ah kasoo horjeedka Hotelka Nuur Doob oo uu dhawaan Qarax ka dhacay.

Gaariga ayaa la sheegay inuu qarxay iyadoo ay baaritaan ka hayaan Ciidamada Booliska, waxaana lasoo warinayaa Qasaare dhaawacyo ah oo ilaa Laba ruux ah.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda u ah maamulka Hirshabelle ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay falal amniga liddi ku ah oo ay qaraxyadu ugu horreeyaan.

Magaaladaan ayaa waxaa si wadajir ah ugu shaqeeya Golaha Baarlamaanka & kan Xukuumadda ee dowlad goboleedka Hirshabelle, waxaana sidoo kale wada dagan Madaxweynaha & ku xigeenkiisa iyo iyo inta badan madaxda maamulka.

Magaalada Jowhar oo sidoo kale ah magaalo madaxda Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ku sugan oo ku shaqeeya maamulka Gobolka, iyadoo ay ka howlgalaan Ciidamda Soomaaliya oo qeybo kala duwan ah iyo Ciidanka Midowga Afrika ee howlgalka Atmis.