Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Goobo waxbarasho oo u xirmay abaaraha awgood.

Goobo waxbarasho oo u xirmay abaaraha awgood.

Qeybo badan oo kamid ah gobolada Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka geeska Afrika waxaa ka jira abaarro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada, waxaana meelaha qaar ay abaartu gaartay heer macluul ah.

Deegaanada maamulka Puntland ee Soomaaliya waxaa ay kamid yihiin goobaha laga soo warinayo abaaraha saameynta xooggan ku yeeshay dadka reer miyiga ah maadaama uusan roob ku filan di’in afartii xilli roobaad ee lasoo dhaafay.

Wasaaradada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war-murtiyeed ka soo sartay Shirka Waxbarashada Xaaladaha deg deg ah ee Puntland, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Warsaxaafadeedka Shirka kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay wajahaysay Shantii sano ee u danbaysay xaalado adag oo isugu jira Isbadalka cimilada, abaaro waqti dheer ah, duufaano, aafada ayaxa, rabshado iyo xanuunka COvID-19, Isla markaana dhibaatooyinkaasi ay ka dhasheen barakac baahsan.

Sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay in saboolnimo iyo saamayn taban ee waxbarashada qiimayn hordhac oo ay samaysay Wasaaradda Waxbarashada saamaynta abaartu ku yeelatay dugsiyada Puntland xilligaan hadda la joogo ay xaqijinayaan in ay xirmeen 21 dugsi oo ay dhiganayeen 8,624 arday, sido kale abaartu ay saamaysay 65,320 arday dhammaan goboladda Puntland.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarasada Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in si wax looga qabto xaaladan adag, Wasaaradda Waxbarashada iyada oo kaashanaysa Mashruuca Waxbarashada, haya’dda badbaadada Caruurta (Save the Children) ay Qabteen Shirweyne looga hadlayay xaalada ka sii daraysa ee abaarta iyo saamaynta ay ku leedahay Waxbarashada, waxaana Shirka ka qaybgalay dhamaan bahwadaagta Waxbarashada co ay ku jiraan saraakiisha Maamulka, hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay iyo kuwa aan dawliga ahayn, bulsha-weynta Puntland, Ganacsatada iyo Qurbajoogta.

Shirka ayaa aqoonsaday una mahadnaqay taagoerada joogtada ah ee Mashruuca Waxbarashada iyo deeg bixiyayasha kale ee ku aadan horumarinta Waxbarashada iyo adeegyada waxbarshada xilliyada xaaladaha degdegga ah ee dawlad Goboleedka Puntland.

Shirku waxa uu soo jeediyay qodobada hoos ku xusan ee ku aadan Ka jawaabidda baahiyaha Waxbarashada xaaladaha deg-dega ah.

1. In Puntland abaabusho iskuna dubariddo dhaqaalihii wax looga qaban lahaa saamaynta abaartu ku yeelatay Waxbarashada.

2. Shirku waxa uu garowsaday ugana mahadnaqay Puntland dhismaha guddiga abaaraha oo ka kooban Maamulka, Ganacsatada, Qurbajoogta, Culimada iyo gaybaha kala duwan ee bulshada.

3. Shirku waxa uu dhirigeliyy dardar-galinta taageerada deeq bixiyaasha ee ku aadan wax ka qabadka abaarta.

4. In bah-wadagta Waxbarashadu dib u eegis kusamayso mashaaricda socda, dib-u-qaabeyn dhamaystiran oo ka jawaabeysa baahiyaha taagan.

5. Adeegyada quudinta, biyaha iyo nadaafadu waa kuwa ugu mudan ee u baahan wax ka qabad.

6. Shirku waxa uu garowsaday baahida loo qabo sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan Waxbarashada xaaladaha deg-degga ah iyo gorshayaasha mustaqbalka.

7. Shirku waxa uu dhirigelinayaa baararujinta iyo wacyl-gelinta bulshada si loo xaqijiyo in barayaasha yo ardayduba dib ugu laabtaan dugsiyadi abaaruhu saamayeen.